Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah maanta u shaacisay Kabtanada Kooxda ee xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ee bilaabmay maanta.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga bilaaban doonta todobaadka dambe kadib markii loo baajiyay kulamadii maanta dhici lahaa sabab la xidhiidhay in la siiyay wakhti dheeraad ah kadib markii ay ka qayb galeen champions league.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu kabtanka 1-aad ee kooxdu noqon doono Lionel Messi kaas oo kooxda hogaaminayay sanadihii ug dambeeyay.

Kabtanada kale ee kooxda Barcelona ayaa kala ah Sergio Busquets, Gerard Pique Iyo Sergi Roberto kuwaas oo ka dambeeya Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here