Kooxda AC Milan ayaa shaaca ka qaaday in ay la soo wareegtay xiddigii Real Madrid ee Brahim Díaz
Waxa ay sheegeen in qaab amaah oo hal xilli ciyaareed ah ay ku soo heleen laacibkaas kaasi oo ku siman June 2021-da
Laacibkaas ayaa aayihiisa kubadda ka soo bilaabay kooxda Malaga waxa uuna sanadkii 2015-tii soo maray naadiga Man City
Sanadkii 2016-kii ayuu ka soo muuqday Man City halka uu u saftay 15 kulan laba goolna waa uu dhaliyay ka dib Real ayuu ku laabtay 2019-kii waxa u dhaliyay laba gool ka dib 21 kulan
Warka waxa uu intaas ku darayaa in Brahim Díaz uu Milan uu xeranayo lambarka 21-aad