RASMI: Chelsea Oo U Ogolaatay N’Golo Kante Inuu Ka Maqnaado Kooxda Inta Ka Hartay Xilli Ciyaareedka & Sababta Oo La Sharaxay

Chelsea ayaa u ogolaan doonta N’Golo Kante inusan imaanin tababarka sababtoo ah cabsi uu ka qabo fayraska Karoona xitaa haddii ay la micno tahay inuu seegayo inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska oo 28 sanno jir ah ayaa ku soo laabtay tababarka Talaadadii ee xarunta kooxda Chelsea ee Cobham.

Laakiin tan iyo markaas waxa uu go’aansaday inuu gurigiisa tababarka ku sameeyay iyadoo go’aankaas ay taageertay kooxda Chelsea.

Kante ayaa walaac ku abuuray asxaabtiisa Chelsea sannadkii 2018 markii uu miid daboolmay tababarka ka dib; walaalkiis ayaa isla sannadkaas u dhintay wadno xanuun.

Sida ay shaacisay xafiiska National Statistics, ragga iyo dumarka madow ayaa labo jibaar u dhiman kara caabuqa Karoona marka loo eego dadka cad ee ku nool England iyo Wales.

Go’aanka uu qaatay Kante waxa uu la mid yahay midkii uu qaatay kabtanka Watford Troy Deeney.

Maalintii Talaadada waxaa la shaaciyay in lix qof laga helay caabuqa dadkii la baaray ee kooxaha Premier League oo uu ku jiro daafaca Watford Adrian Mariappa.

Chelsea ma garaneyso waqtiga uu qorsheynaya N’Golo Kante inuu ku soo laabto tababarka iyadoo kooxda ay bilowday isbuucaan tababarka iyadoo la raacayo tilmaamaha caafimaadka.

Laakiin waxay fahamsan yihiin in walaaca Kante uu qabo inay tahay mid rasmi ah islamarkaana aan cadaadis lagu saari doonin xiddigii hore ee Leicester City inuu go’aankiisa ka laabto.

Wajigii koowaad ee dib u bilaabashada xilli ciyaareedka Premier League ayaa dhaqangalay isbuucaan iyadoo la rajeynayo inuu horyaalka dib u bilowdo bartamaha bisha Juun.

Chelsea waxaa u haray sagaal kulan oo horyaalka ah, waxayna ku jiraan kaalinta afaraad.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Source: laacibfm

WARARKII