Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa shaacisay sida ay xulalka ka kala socda qaaradaha adduunku heli doonaan booska koobka adduunka ee sanadka 2026.

Koobka adduunka sanadka 2026 ayaa laga dhici doonaa 48 xul halka ay haatan yihiin 32 xul waxana la isku diyaarinayaa tartanka 4 sano kadib bilaaban doona.

Waxa xusid mudan in tartanka koobka adduunka ee sanadka 2026 lagu qaban doono 4 dal oo kala duwan halka haatan hal dal lagu qabto koobka adduunka.

Dalalka America, Mexico iyo Canada ayaa lagu qaban doonaa koobkaa dduunka ee 4 sano kadib gaar ahaan sanadka 2026.

Hadaba Halkan Hose Kaga Bogo sida ay qaaraduhu u kala helayaan boosaska koobka adduunka sanadka 2026.

Yurub: 16 Xul: Xulalka haatan yurub uga qayb gala koobka adduunka ayaa ah 13 xul sidaas darteed waxa lagu daray 3 xul oo dheeraad ah.

Africa: 9 Xul: Xulalka Haatan Africa uga qayb gala koobka adduunka ayaa ah 5 xul sidaas darteed waxa lagu daray 4 xul oo dheeraad ah.

Aasiya: 8 Xul: Xulalka haatan Asiya uga  qayb gala koobka adduunka ayaa ah 5 xul sidaas darteed waxa lagu daray 3 xul oo dheeraad ah.

South America: 8 Xul: Xulalka Haatan South America uga qayb gala koobka adduunka ayaa ah 4 xul sidaas darteed waxa lagu daray 2 xul oo dheeraad ah.

CONCACAF:  6 xul: xulalka haatan North America ama (CONCACAF) uga qayb gala koobka adduunka ayaa ah 3 xul laakiin waxa lagu daray 3 xul oo dheeraad ah.

Oceania: xulalka ka dhisan qaarada Oceania Ayuu haatan hal xul oo waliba is-reeb-reeb soo gala kuna hadha uga qayb galaa koobka adduunka laakiin 2026 waxa ay ku lahaan doonaan boos Rasmi ah.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here