Kooxda Everton ayaa si Rasmi ah shaqada uga caydhisay Frank Lampard kadib markii ay kooxdu bilaa guul ahayd 10 kulan oo xidhiidh ah.

44 jirkan ayaa shaqada loo magacaabay wax sanad ka yar isaga oo badalay Rafa Benitez markaas oo ay kooxdu 16 dhibcood ka dambaysay kaalmaha looga hadho Premier Leageu.

Laakiin chesea ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan waxana ay ku jirtaa kaalinta 19-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kadib markii ay kooxdu ku fashilan in ay wax guul ah gaadho tan ilaa 22 bishii October, maamulka Everton ayaa ugu dambayn go’aansaday in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha.

Lampard ayaa kulankii Sabtidii soo galay isaga oo ogsoon in uu waayi karo shaqadiisa hadii laga badiyo Everton.

Tababarayaal badan oo ay ka mid yihiin Tababarihii hore ee Burnley Sean Dyche ayaa la filayaa in uu noqdo tabababraha ku meel gaadhka ah ee kooxda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here