Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn go’aan ku gaadhay in uu sii joogi doono kooxda Barcelona inta ka dhiman heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayaa si weyn looga hadal hayay saxaafada tan ilaa markii uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda waliba warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa.

Kadib wadahadalo uu Aabaha dhalay Lionel Messi la qaatay maamulka Barcelona xiddiga ayaa go’aansaday in uu sii joogo inta ka dhiman heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Wargayska Sport ayaa sheegaya kadib markii ay Barcelona si cad u sheegtay in ayna diyaar u ahayn in ay hoos u dhigto lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa Leo ayaa go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lioenl Messi xagaaga dambe si xor ah uga tagi karo kooxda Barcelona wakhtigaasna go’aansan doono meesha uu ka ciyaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here