Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in uu saxiixooda cusub ee Donny van de Beek xidhan doono Lambarka No.34 kadib markii uu dhamaystiray ku biiristiisa Old Trafford.

Xiddiga 23 jirka ah ee khadka dhexe ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah.

Xiddiga oo Ajax u xidhan jiray No.6 ayaan u qaadan karin Man United sabab la xidhiidha in uu Paul Pogba lambarkaas u xidho kooxda.

Sidaas darteed xiddiga reer Holland ayaa doortay in uu kooxda u xidho Lambarka No.34 si uu ugu maamuuso xiddigii ay isku kooxda ahaayeen ee Abdelhak Nouri.

Abdelhak Nouri & Van de Beek ayaa ka soo wada baxay Akademiyada Ajax waxana ay u soo wada daleceen kooxda 1-aad ka hor inta uuna Nouri ku dhicin xanuuq qalbiga ah sanadkii 2017 kana fadhiisan ciyaaraha kubada cagta isaga oo 23 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here