Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Gimnastic de Tarragona kulanka saaxiibtinimo ee maanta dhici doona.

Koeman ayaa Liiska ka reebay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Luis Suarez taas oo dabka ku sii shidaysa mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Suarez ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababare Ronald Koeman ee xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin waxa Liiska ka soo muuqday kabtanka barcelona ee Lionel Messi kaas oo la filayo in uu ka qayb qaato kulanka maanta dhici doona.

Sidoo kale xiddiga Coutinho ayaa ka soo muuqday Liiska sidoo kale xiddigaha Griemann iyo Dembele ayaa sidoo kale ka soo muuqday Liiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here