RASMI: Taariikhda La Ciyaarayo Koobka Qaramada Afrika Oo Isbedel Rasmi Ah Lagu Sameeyay

Xiriirka kubada cagta Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanyo CAF ayaa shaacisay in sannad dib loo dhigay qabashada Koobka Qaramada Afrika ee ay martigelin laheyd dalka Cameroon.

Koobka Qaramada Afrika ayaa ku jadwaleysnaa inuu bilowdo bisha Janaayo 2021 islamarkaana uu dhamaaday bisha Febraayo 2021.

Madaama fayraska Korona uu dib u dhigay tartamadii caalamiga ahaa, xiriirka kubada cagta Afrika ayaa doortay in Koobka Qaramada Afrika lagu ciyaari doono Cameroon inta u dhaxeeya bilaha Janaayo iyo Febraayo ee 2022.

Sannadkii 2013kii ayaa Koobka Qaramada Afrika loo bedelay in la qabto sannadaha kinsiga ah si aysan isagu isku waqti u noqonin Koobka Adduunka.

Laakiin caabuqa Karona ayaa haatan qasab ka dhigtay in Koobka Qaramada Afrika la qabto sannadka 2022 oo sidoo kale dalka Qatar uu ka dhacaya Koobka Adduunka.

Waxaan weli la dhameystirin kulamadii isreebreebka ee Koobka Qaramada Afrika iyadoo kulamadii la ciyaari lahaa 25ka ilaa 30ka March dib loo dhigay sababo la xiriira fayraska Korona.

Koobka Qaramada Afrika kaliya ma ahan tartamada caalamiga ah ee dib loo dhigay, waxaa sidoo kale dib loo dhigay ciyaaraha Olimbikada Adduunka oo sannadkan ka dhici lahaa magaalada Tokyo ee dalka Japan kuwaasoo la qaban doono sannadka soo socda.

Sidoo kale Koobka Qaramada Yurub ayaa isna dib loo dhigay muddo sannad ah sababo la xiriira caabuqa Korona.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII