UEFA ayaa soo qiimaynta 10-ka kooxood ee ugu sareeya qaarada yurub xilli la marayo bartamaha xilli ciyaareedka.
Man City ayaa ugu dambayn kaalinta 1-aad ka gashay qiimaynta yurub kadib markii ay booska kala kooxda Bayern Munich kuwaas oo kaalinta 2-aad ku dhaadhacay.
Waxa kaalinta 3-aad ku jirta kooxda Liverpool halka ay Chelsea ku jirto kaalinta 4-aad halka ay kooxda PSG ku jirto kaalinta 5-aad.
Real Madrid oo champions League ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhaadhacday kaalinta 6-aad.
Koxoda Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 7-aad halka ay man United ku jirto kaalinta 8-aad.
Kooxda Juventus ayaa ku jirta kaalinta 9-aad iyada oo Ajax dhamaystirtay kaalinta 10-aad ee ugu qiimaha badan qarada yurub.