Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray tartanka champions League xilli ciyaareedka 2019/2020 kaas oo la ciyaaray kulankii Final-ka tartanka.

Kooxaha Bayern Munich ayaa markii 6-aad ee taariikhdooda ku guulaystay tartanka champions League kadib markii ay garaaceenkooxda PSG.

UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo ka soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxihii Semi-finala ilaa finalka tartanka iska xaadiriyay ayaa kaliya xiddigo ku leh iyada oo kooxaha Bayern Munich iyo PSG xiddigaha ugu badan ku leeyihiin shaxda.

Kooxda ku guulaystay koobka ee Bayern Munich ayaa 4 xiddig ku leh halka kooxda laga qaaday koobka ee PSG ku leedahay 4 xiddig.

Kooxaha Man City, Borussia Dortmund iyo BR Leipzig ayaa dgankooda min hal xiddig ku leh shaxda.

Waxa la yaab leh in shaxda laga dhexwaayay xiddigaha PSG ee Neymar iyo Mbappe inkasta oo ay yihiin xiddigo fiican.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here