Xidhiidhka La Liga ayaa si Rasmi ah u shaaciyay wakhtiga la soo saari doono jadwalka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2020/2021.

Xidhiidhka ayaa Bogga ay ku leeyihiin Internet-ka ku xaqiijiyay maalinta Bari ah ee Isniinta ah isku aadka La Liga lagu qaban doono xafiiska La Liga ku leeyhay Madrid.

Wakhtiga jadwalka la soo saari doono ayaa ah 9:30 Habeenimo ee wakhtiga Somaliya iyo 6:30 wakhtiga Spain.

Horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub ayaa bilaaban doona 12 bisha dambe ee September iyada oo Los Blancos bilaaban doonto difaacashada tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalka La Liga 5 dhibcood ku qaaday xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo ka qaaday kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here