Xidhiidhka kubada cagta Germany ayaa go’aamiyay in uu tababare Hansi Flick sii ahaado tababaraha xulka qaranka qaranka Germany kadib ceebtii koobka adduunka.

Xulka Germany ayaa wareega Group-yada kaga hadhay koobka addunka kadib markii ay ku fashilmeen in ay ka gudbaan wareega Group-yada.

Waxa la filayay in uu tababare Hansi Flick is casilo sida ay sameeyeen tababarayaal badan kuwaas oo xulalkoodu ka hadheen koobka adduunka.

Laakiin xidhiidhka Germany ayaa go’aansaday in uu Hansi Flick sii ahaado tababaraha xulka qaranka Germany inta uu heshiiskiisu ku eegyahay.

Tababare Hansi Flick ayaa xulka Germany kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana uu sii wadi doonaa maalista xulka qaranka sanadaha soo socda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here