RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Spain, Maamulka La Liga Iyo Ururka Ciyaartoyda Oo Meel Isla Dhigay Qaabka Kulamada Baaqiga Ah Loo Ciyaari Doono.

Advertisements

Xidhiidhka kubbada cagta Spain (RFEF), ururka ciyaartoyda Spain ee  AFE iyo maamulka horyaalka La Liga ayaa heshiis ka gaadhay qaabka loo ciyaarayo kulamada horyaalka La Liga baaqiga ka ah.

Xidhiidhkakubbada cagta dalka Spain ayaa si buuxda u diiday qorshihii uu maamulka horyaalka La Liga ku doonayay in 48 kii saacadoodba kulan la ciyaaro wuxuuna xidhiidhku ku dooday in ay taasi meel ka dhac ku tahay xaalada caafimaad ee ciyaartoyda iyada oo dalka Spain uu aad kulayl u noqon doono waqtiga kulamada dib loo bilaabayo.

Xidhiidhka kubbada cagta Spain (RFEF), ururka ciyaartoyda Spain ee (AFE) iyo maamulka horyaalka La Liga ayaa si rasmi ah ugu heshiiyay in marka dib loo bilaabo kulamada baaqiga ah in 72 kii saacadoodba hal kulan la ciyaari doono halkii markii hore la doonayay in 48 kii saacadoodba hal kulan la ciyaaro.

War rasmi ah oo uu soo saaray xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ayaa lagu yidhi: “RFEF waxa uu maamulay in uu balan la galo EFE(ururka ciyaartoyda) ee in ugu yaraan hal kulan la ciyaaro 72kii saacadoodba. madax wayne Rubiales waxa uu guddida kormeerka u cadeeyay in xaaladaha caafimaad ee ciyaartoyda kubbada cagtu ay yihiin kuwo aan laga wada xaajoon karin”.

“RFEF waxa uu cadeeyay diidmadiisa in ciyaartoydu ay 48 kii saacadoodba hal kulan ciyaaraan. Ururka ciyaartoyda AFE waxaa lagu qasbay in ay aqbalaan in ugu yaraan 72kii saacadoodba kulan la ciyaaro iyada oo meesha laga saarayo heshiiskii hore ee ay La Liga la gaadheen”. ayaa qoraalka xidhiidhka kubbada cagta la sii raaciyay.

Dhinaca kale madax waynaha La Liga ee Javier Tebas ayaa shaaciyay saddex waqti oo ay doonayaan in dhamaan horyaalada Yurub dib loo wada bilaabi karo oo ay UEFA kala xaajoonayaan.

Javier Tebas ayaa yidhi: “Qaabab kala duwan ayaanu UEFA la eegaynaa si ay tartamadu dib ugu soo laabtaan waxayna ugu dhaw yihiin May 28-29 , June 6-7 ama June 28-29”.

Advertisements

Laakiin Tebas ayaa tilmaamay in ayna horyaalkiisa La Liga oo kaliya UEFA kala hadlayn balse ay doonayaan in dhamaan horyaalada Yurub hal mar dib loo wada bilaabo wuxuuna yidhi: “Kaliya ma eegayno waxa ku dhacaya Spain, shaqadu waa in jadwalkayaga Yurub oo dhan laysku keeno, sidaa raadeed in la awoodo in si wada jir ah tartamada loo dhamaystiro”.

Dhinaca kale madax waynaha La Liga ee Tebas ayaa kooxaha dalkiisa digniin adag u diray wuxuuna u sheegay in ay waayi doonaan lacag hal bilyan oo yuro ka badan haddii horyaalku dhamaystirmi waayo.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII