RASMI: Xiriirka UEFA Oo Ku Dhawaaqay Xiddiga Ku Guuleystay Laacibka Isbuuca Ugu Wanaagsan Koobka Horyaalada Yurub – Yaa Ku Guuleystay?

Advertisements

Xiriirka UEFA ayaa codeyn u qabtay akhristayaasha website-kooda gaarka ah si loo ogaado xiddiga ugu fiican isbuucii ugu horreeyay kulamada wareega 16-ka, waxaana la ogaaday xiddiga hantay ee wacdaraha dhigay.

Erling Haaland oo laba gool ka dhaliyay Paris Saint Germain kulankii Signal Iduna Park ka dhacay, walow ay yahiin wali kuwa laga soo bixi karo maadaama 1-gool looga dhaliyay gurigooda.

Xiddigaan dhalinta yar wuxuu noqday da’yarkii ugu horreeyay ee 10-gool hal kulan ka dhaliya koobka horyaalada yurub, wuxuuna

Advertisements

Da’yarka reer Norway waxaa abaalmarintaan kula tartamaayay daafaca bidix ee Atletico Madrid (Renan Lodi), xiddiga Atalanta (Hans Hateboer) iyo goolhaye Hugo Lloris oo kooxdiisa ay guuldaro qaadatay balse sameeyay waxqabad cajiib ah.

Si kastaba codadka ugu badan waxaa helay wiilka bishii January ku biiray Borrusia Dortmund kaas oo 39-gool dhaliyay heerkiisa kooxeed fasal ciyaareedkaan marka la isku daro goolasha uu labadiisa kooxood u dhaliyay.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII