Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Liiska ayay ka soo muuqdeen xiddigaha Nacho, Hazard kuwaas oo ka soo kabsaday dhaawac iyo xanuunka Korona halka uu Varane oo ku dhaawacmay waajibaadka xulka France taam u noqday in uu ku soo boxo Liiska.

Laakiin warka ugu xun ayaa ah in ay Real Madrid ka maqanyihiin xiddigo muhiim ah kuwaas oo ku seegay sababo kala duwan.

Xiddigaha Casemiro iyo Militao ayaa seegay kulanka inkasta oo ay ka soo kabsadeen xanuunka Korona waxana ay u muuqataa in ayna taam buuxa ahayn.

Waxa dhaawac uga maqan kabtanka kooxda ee Sergio Ramos kaas oo ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa Spain fasaxii xulalka.

Sidoo kale waxa Dhanka weerarka ka maqna xiddigaha Luca Jovic oo laga helay xanuunka Korona iyo Karim Benzema oo dhaawacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here