“Real Madrid Ma Aysan Dooneynin In Cristiano Ronaldo Uu Ku Guuleysto Ballon d’Or” – Giorgio Chiellini

Advertisements

Giorgio Chiellini ayaa ku faraxsanaa in Lionel Messi uu ku guuleystay Ballon d’Or sannadkan laakiin daafaca Juventus ayaa sheegay inay xatooyo aheyd in Cristiano Ronaldo uu seego abaalmarinta sannadkii la soo dhaafay ee 2018.

Xiddiga Barcelona Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay rikoodh markii lixaad ah xalay oo Isniin aheyd isagoo abaalmarinta ku garaacay Virgil van Dijk iyo Ronaldo.

Waxaa sannadkii la soo dhaafay ku guuleystay xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric oo soo gabagabeeyay 10 sannadood oo ay Messi iyo Ronaldo abaalmarinta iska heysteen laakiin waa go’aan ka careysiiyay Chiellini.

“Waa OK in Ballon d’Or uu sannadkan ku guuleystay Messi” ayuu kabtanka Juventus u sheegay Sky Sport Italia.

“Xatooyada rasmiga aheyd waxay dhacday sannadkii la soo dhaafay. Real Madrid ayaa go’aansatay in Cristiano Ronaldo uusan ku guuleysanin Ballon d’Or. Waxay aheyd arin qariib ah.”

Chiellini ayaa hadalkiisa raaciyay: “Real Ma aysan dooneynin inuu ku guuleysto sababtoo ah ma uusan aheyn in badan ciyaaryahankooda.”

Ronaldo ayaa ku biiray Juventus bishii July ee sannadkii la soo dhaafay, waxaana xalay loo magacaabay xiddiga ugu fiicnaa horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2018-19.

Advertisements

Juventus iyo Ronaldo ayaan weli gaarin heerkoodii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan, waxaana ay dhbic ka hooseeyaan kooxda hogaamineysa horyaalka Serie A ee Inter Milan 14 kulan oo la ciyaaray.

“Waxaan sheegay in Juventus-ta dhabta ah la arki doono ugu yaraan bisha Janaayo. Waxaan u baahanahay waqti.” ayuu yiri Chiellini.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII