Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dhexe ee Manchester City Eric Garcia.

19 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona xagaagii, laakiin kooxda reer Catalan ayaan wax heshiis ah la gaarin Citizens.

Garcia ayaa ka dhawaajiyay inuusan dooneynin inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi karo kooxda Man City xagaaga dambe.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay mar kale ku laabato xiddiga marka la gaadho suuqa Jnauary sida uu sheegay wargayska Sport.

Laakiin Real Madrid ayaa haatan kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga reer Spain.

Wararka ayaa sheegaya in uu Zidane xiddiga Garcia u arko badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos kaas oo ku jira sanadihiisii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here