Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya bixitaanka tababare Carlo Ancelotti kaas oo lala xidhiidhinayo xulka qaranka Brazil.

Shalay ayay soo bexeen warar sheegaya in Xidhiidhka Brazil wadahadalo kula jiraan tababare Carlo Ancelotti si uu u noqdo tababaraha xiga ee xulka qaranka.

Carlo Ancelotti ayaa la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha xulka qaranka Brazil dhaamaadka xilli ciyaareedkan.

Xulka Brazil ayaa shaqada ka caydhiyay Tababare Tite kadib markii uu xulku ka hadhay koobka adduunka haatan gaba-gabada ah ee ka socda dalka Qatar.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Real Madrid haatanba diyaarisay Liis tababarayaal ah oo ay doonayso in ay ku badasho tababare Carlo Ancelotti.

Tababare Zinedine Zidane, Mauricio Pochettino, Raul iyo Thomas Tuchel ayaa ah tababarayaasha ay Real Madrid doonayso in ay ku badasho Ancelotti.

Tababarayaasha Zinedine Zidane, Mauricio Pochettino iyo Thomas Tuchel ayaa bilaa shaqo ah haatan maadama ayna wali koox cusub ku biirin kadib markii ay ka tageen shaqadoodii hore.

Dhinaca kale Raul oo ah Halyeeyga kooxda Real Madrid ayaa maamula kooxda da’yarka Real Madrid waxana uu u tartamayaa booska kooxda 1-aad.

Tababare Ancelotti ayaan Horay tababare uga soo noqon xul qaran laakiin waxa uu caawiye ka noqday xulka Italy intii u dhexaysay 1992 ilaa 1995.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here