Real Madrid ayaa chelsea ka raadineysa badalka Karim Benzema iyadoo Kai Havertz uu yahay xiddiga ay Los Blancos u doonatay badalka xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or.
Benzema ayaa laga yaabaa in uu ka tago kooxda Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda 30 bisha June ee haatan lagu jiro kooxda Anceotti ayaana suuqa u galay badalkiisa.
Dookha ugu fiican ee Real Madrid ayaa ah xiddiga PSG ee Kylian Mbappe laakiin xiddiga reer France ayaa xaqiijiyay in uuna xagaagan ka tagi doonin Kooxdiisa.
Joselu ayaa sidoo kale imaan kara, inkastoo xiddiga reer Spain u imanayo Real Madrid in uu noqdo xiddig kayd u ah kooxda.
Taa baddalkeeda, Marca ayaa sheegaysa inay u weecdeen Havertz, inkastoo weeraryahanka reer Germany uu waqti xun ku qaatay Chelsea tan iyo markii uu 80 milyan euro uga soo dhaqaaqay Bayer Leverkusen.
Inkastoo 23-sano jirkaan uu muujiyay xoogaa mustaqbal fiican hadana waxa uu ka ciyaari karaa booska No.9.

Related



Source link