Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso kala badh mushaharka Gareth Bale si ay ugu qanciso kooxaha premier League in ay la saxiixdaan xiddiga.

Xiddiga reer Wales ayaan ka qayb ahayn qorshaha tababare Zinedine Zidane waxana uu todobaadkii hore qirtay in uu xiddiga ka iibin doono koox kasta oo premier League ah.

Bale oo kaliya 20 kulan u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkii hore ayaa ku soo laabtay caasimada todobaadkan si uu wadahadalo ula qaato maamulka kooxda.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay 50% bixiso mushaharkiisa 600 kun ee Gini todobaadkii.

Arintaas ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ku qancin karto in ay u dhaqaaqdo xiddiga bartilmaameedka mudada dheer u ah kooxda halka ay kooxdiisii hore ee Tottenham sidoo kale xiiso u qabto saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here