Kooxda Man United ayaa dhirbaaxo kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara Real Madrid ee Sergio Reguilon kadib markii Red Devils loo sheegay in ay kaliya Amaah ku heli karaan xiddiga xagaagan.

Reguilon ayaa Sevilla kula guulaystay Europa League xilli ciyaareedkii hore isaga oo ciyaaray 38 kulan tartamada oo dhan isaga oo amaah kula joogay kooxda.

Xiddiga reer Spain ayaa ku laabtay Real Madrid markii uu dhamaystay heshiiska Amaahda ah laakiin xiddiga ayaan boos ka heli karin kooxda 1-aad marka loo eego in ay haatanba joogaan xiddigaha Ferland Mendy iyo Marcelo sidaas darteed xiddiga ayaa isaga tagi doona kooxda.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Real Madrid kaliya diyaar u tahay in ay amaah ku fasaxdo xiddiga maadama uu mustaqbal ku leeyahay kooxda.

sidaas darteed go’aanka Real Madrid ayaa dhirbaaxo ku ah Man United oo doonaysay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga 23 jirka ah xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here