Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa ka laabatay fikradda ah in ay la soo wareegto xiddiga Argentine Enzo Fernandez ee u ciyaara kooxda Benfica.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Real madrid laakiin wararka ayaa sheegaya in ay Los Blancos ka laabatay rabitaanka xiddiga.

Qiimaha Fernandez ee suuqa ciyaartoyda ayaa si cad sare ugu kacay ka dib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kookii adduunka ee dhawaan lagu soo af jaray dalka Qatar isla markaas xiddigu ku guulaystay koobka adduunka.

Suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa ciyaartoyda ayaa soo wariyay in Real Madrid ay ka baxday tartanka saxiixa Enzo laba sabab dartood iyada oo ay sababta ugu horaysa tahay in ay Benfica ku adkaysanayso in ay hesho lacag dhan 120 milyan oo lagu bur-burin heshiiskiisa.

Sababta labaad ayaa ah in Real Madrid aysan dooneyn in ay xiddig khadka dhexe ah keen suuqa January iyaga oo doonaya in ay sugaan xagaaga si ay u sameeyaan saxiixyada ay doonayaan.

Romano ayaa sharaxay in horyaalka Premier League yahay meesha uu Enzo Fernandez Ku Wajahanyahay isla markaas lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool iyo Man United.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here