Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday inuu ka tagayo Marco Asensio, garabka kooxda, ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa isaga oo noqday xiddig xor ah ka dib 8 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid.
Asensio ayaa  ku soo biiray xagaagii 2015 isaga oo kaga soo biiray Real Mallorca lacag dhan 3.5 milyan euro, waxa uu hal xilli ciyaareed amaah ugu ciyaaray kooxda Espanyol, waxaanu kula guulaystay dhamaan koobabka suurtogalka ah.
Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku tidhi: “Real Madrid waxay jeceshahay in ay mahadceliso Marco Asensio, ciyaartoyga difaacayay maaliyada kooxda 7 xilli ciyaareed ah”.
“Waxa uu intaa ku daray “Waxa uu yimid Real Madrid isaga oo 20 jir ah, waxana uu ku guulaystey in uu galo taariikhda kooxdeena isaga oo ka mid ahaa kooxihii soo bandhigay mid ka mid ah xilliyadeenii ugu guulaha badnaa”.
“Anagu waxan nahay madridistas ma ilaawi doono xirfadiisa ciyaareed iyo hab dhaqankiisa ku dayashada ku dayasahada lahayd, Real Madrid waa gurigiisa waligeedna way ahaan doontaa, waxaana u rajaynaynaa isaga iyo dhamaan qoyskiisa wax walba oo ugu wanagsan marxaladan cusub”.
Marco Asensio ayaa Real Madrid kula guuleystay 17 koob: 3 Champions League, 4 Club World Cups, 3 European Super Cups, 3 League Championships, 1 King Cup iyo 3 Spanish Super Cups.

Related



Source link