Sida laga soo xigtay wararka ka imanaya dalka Spain Real Madrid ayaa xiddiga Martin Odegaard u aragta xiddig ka caawin kara saxiixa xiddiga ay isku dalka yihiin una ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Martin Odegaard ayaa ku soo laabtay kooxda Real Madrid xagaagii kadib 5 sano oo uu ku soo qaatay amaaho kala duwan waxana uu ka mid yahay qorshaha tababare Zidane.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga Martin Odegaard door weyn ka ciyaari doono in uu xiddiga Erling Haaland ka soo dago kooxda Real Madrid.

Mino Raiola oo ah wakiilka Erling Haaland ayaa sidoo kale muddo 2 sano ah wakiil u ahaa xiddiga Martin Odegaard waxana ay Real Madrid arintaas u adeegsanaysaa in ay hesho saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here