Real Madrid ayaa lagu waramayaa in ay si dhab ah ugu fikrayaan in ay dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Juventus ee Locatteli
Warbaahinta Italy ayaa xuseysaa in ay u arkaan badelka Bellingham oo ay ka bartilmaameysanayaan kooxda Dortmund
Bellingham waxa ay baacsigiisa kala kulmayaan loollan iyo qarash badan iyadoo kooxaha kale ee xiiseynaya ay ka mid yihiin Liverpool , City iyo United
Los Balancos ayaa haatan la timid qorshe ah in Locataelli ku helaan qaab amaah ugu dambeyntiina wada iibsadaan xilli uu ka qarash yar yahay wiilka Dortmund
Locattelli ayaa muhiim u ah Juve waxa uuna kooxda Turin u safay 17 kulan xili xiyaareedkan dhamaan tartamada iyadoo uu saxixay 5 gool