Inkasta oo ay si xoogan ugu tartameen horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday hadan Arsenal ayaa la filayaa in ay si xoogan u gasho suuqa isla markaas xoojiso kooxdeeda.
Kadib markii ay ku fashilantay ku guulaysiga horyaalka prmeier League Gunners ayaa la filayaa in ay samayso saxiixyo waaweyn kuwaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda.
Hadaba warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10 saxiix oo laga yaabo in ay ku biiraan kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaga.
1.Declan Rice (West Ham):
Ma ahan wax qarsoon in ay kooxda Arsenal doonayso saxiixa xiddiga Decland Rice iyada oo Arteta bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay xiddiga reer England suuqa xagaaga.
Inkasta oo ay tartan ku aadan baacsiga xiddiga la kulayso hadana waxa aan shaki ku jirin in ay Arsenal isku dayi doonto saxiixa xiddiga reer England suuqa xagaaga.
2.Moises Caicedo (Brighton):
Arsenal ayaa suuqii January wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixa Moises Caicedo iyaga oo xitaa dalab 70 milyan ah ka gudbiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sidoo kale Moises Caicedo ayaa kooxda Brighton ku riixay in ay ka iibiyaan Arsenal isaga oo warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa laakiin heshiiska ayaan dhicin.
Kooxda Arsenal ayaa mar kale isku dayi doonta in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Ecuador suuqa kala iibsiga xagaaga.
3.Ilkay Gundogan (Man City):
Waa xiddig kale oo khadka dhexe ah oo ay Arsenal doonayso iyada oo haatanba wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga reer Germany si ay u hesho saxiixiisa.
Arsenal ayaa xiddiga ku doonaysa in ay qaab xor ah ku hesho maadama uu heshiiskiisa kooxda Man City dhici doono dhadmaadka xilli ciyaareedkan.
4.Mason Mount (Chelsea):
Muhiimada 1-aad ee Arsenal ayaa u muuqata khadka dhexe Mount ayaana ah xiddig kale oo ay Arsenal doonayso suuqa kala iibsiga xagaaga.
Inkasta oo uu xiddigu u jan-jeedo dhinaca kooxda Man United hadana waxa ay Arsenal isku dayi doontaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.
5.Sacha Boey (Galatasaray)
6.Ivan Fresneda (Real Valladolid)
7.Moussa Diaby (Bayer Leverkusen)
8.Raphinha (Barcelona)
9.Marc Guehi (Crystal Palace)
10.Joao Cancelo (Man City)

Related



Source link