Wararka  Ciyaaraha Maanta: Waxa xidhan suuqakala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kaduwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

laacibfm.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Kooxda Aston Villa ayaa diyaar u ah in ay iibiso xiddiga Philippe Coutinho suuqa January maadama hal sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda (Football Insider).

Aston Villa ayaa diyaar u ah in ay iibiso Goolhaye Emiliano Martinez oo lala xidhiidhinayo Chelsea iyo Man United (Fichajes).

Liverpool ayaa u muuqata kuwo isaga hadhaya baacsiga ay ugu jirto xiddiga Dortmund ee Jude Bellingham sabab la xidhiidha in ay aaminsantahay in ay adagtahay in la dhamaystiro heshiiska (AS).

Kooxda chelsea ayaa loo sheegay in ay daafaca ugu qaalisan ka dhigto xiddiga Josko Gvardiol hadii ay doonayso saxiixiisa suuqa January (Football London).

Chelsea ayaa ka shaqaynaysa in ay la soo saxiixdo daafaca dhexe ee kooxda Fc Monaco ee Benoit Badiashile (Athletic).

Kooxda chelsea ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (Athletic)

Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Milan Skriniar waxana ay doonaysaa in ay dalab ka gudbiso xiddiga reer Slovakia (Teamtalk).

Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Barcelona ee Luis Suarez ayaa heshiis 2 sano ah ugu biiraya kooxda reer Brazil ee Gremio (Mail).

Kooxda Atletico Madrid ayaa go’aansatay in ay qaab amaah ah ku fasaxdo xiddiga Joao Felix kaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha premier League (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa horumar ka samaynaysa wadahadalada heshiis kordhinta ee xiddiga Gabriel Martinelli (Romano).

Kooxda PSV ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Cody Gakpo (Express).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay baanka u jabiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee koxda Ac Milan ee Ismael Bennacer (Corriere dello Sport).

Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab Rasmi ah oo ay ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca Midig uga ciyaara Lyon ee Malo Gusto (sportsmole).

Xiddiga kooxda Ac Milan ee Rafael Leao ayaa albaabka u furay ku biirista horyaalka premier League isaga oo waliba magacaabay kooxda Arsenal (RDP Africa).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot (Sport Witness).



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here