Richard Keyes ayaa ku jees jeesay saxiixii Manchester United Wout Weghorst isaga oo xiddiga reer Netherlands ku tilmaamay mid ku fashilmay kooxda Burnley iyo Premier League.

Wighurst, oo 30 jir ah, ayaa ogolaaday inuu amaah ugu dhaqaaqo Old Trafford inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka dib markii United ay magdhow u siisay Besiktas 2.5 milyan.

Man United ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kaas oo ay doonayso in uu ciyaaro kulanka Manchester Derby.

Richard Keyes oo daadihiye ka ah shabakada beIN ayaa Man United ku weeraray go’aanka ay Man United kula soo saxiixay xidiga weerarka ka ciyaaray.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Wout Weghorst waxa uu ku fashilmay Burnley”.

“Ma xasuusto markii ugu dambaysay ee ay United ku ciyaartay xiddig aad u dheer, ma waxa uu ahaa Ron Davies? Joe Jordan?, laakiin wuu ciyaari karaa”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here