Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonta Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee hhoryaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool aya bogeeda Internet-ka ku xaqiijisay in uu Mohamed bartilmaameedsanayo rikoodh aan lagu arkin kooxda muddo 12 sano ah gaar ahaan xilli ciyaareedkii 2007/2008.

Mohamed Salah ayaa noqon kara xididgii ugu horeeyay ee saddexley ku dhaliya garoonka Anfield tan ilaa xilli ciyaareedkii 2007/2008 markaas oo uu Fernando Torres sidaas sameeyay

Mohamed Salah ayaa kulankii Leeds United ee Anfield ka dhacay ka dhaliyay 3 gool waxana uu isha ku hayaa 3 kale si uu u noqdo xiddigii 3-aad ee taariikhda Liverpool ee sidaas sameeya.

Xiddigii ka horeeyay Fernando Torres ayaa ahaa Jack Palmer kaas oo sidaas sameeyay sanadkii 1946 laakiin Torres ayaa rikoodhkaas bar-barayn kara hadii uu Arsenal ka dhaliyo 3 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here