Halyeeega kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham u sheegay in uu iska diido kooxda Liverpool isla markaas ku biiro Man United.

Jude Bellingham ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda.

Kooxaha Real Madrid, Man United, Man City, Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo xiddiga reer England suuqa xagaaga.

“Jude Bellingham waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah koobkii adduunka”Rio Ferdinand u sheegay Liverpool Echo.

“Waxa uu naftiisa ku muujiyay koobka adduunka, waxana uu samayn karaa horumar weyn mustaqbal-na wuu ku leeyahay kubada cagta”.

“Man United waa in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa, jude, adiguna waa in aad gurigaaga ka dhigato Man United, Jude waa in aad Timaado Man United oo aad badasho dhaqanka kooxda”.

Liverpool ayaa si aad ah loola xiriirinayay u dhaqaaqista 19 jirkaan. Waxaa lagu soo waramayaa in qoyska ciyaaryahanka khadka dhexe ay door bidayaan ku biirista Liverpool.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here