Daafacii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa rumeysan in kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay wali u baahan tahay inay keento afar saxiix oo cusub isaga oo kooxdiisii hore ku booriyay in ay mashquul ahaato suuqa xagaaga inta aanu xidhmin.

Inkasta oo ay wadahadalo dheer kula jireen kooxda Borussia Dortmund oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho hadan United ayaa kula dhibaatoonaysa in ay keento saxiixyada bartilmaameedka 1-aad u ah iyaga oo kaliya kooxda keenay hal xiddig oo kaliya kaas oo ah Donny Van de Beek kaas oo kaga soo biiray Ajax.

Laakiin Ferdinand ayaa wali rumaysan in ay jiraan dal-daloolo ku jira kooxda Man United oo dhanka weerarka iyo daafaca dhexe ah.

Markii la weydiiyay hadii United ay weli u baahan tahay inay xoojiso boosas badan, Ferdinand ayaa u sheegay BBC 5Live: “Haa, waxa aan dhihi laha hubaal kadib saxixa Van de Beek, waxa ay u baahanyihiin in ay sameeyaan 3 ilaa 4 saxiix oo cusub”.

“Xiddigo saamayn ku yeelan kara kooxda 1-aad”.

“Waxa ay u baahanyihiin daafac bidix kaas oo ay la tartansiiyaan xiddiga Luke Shaw oo dhaawac badan soo gaadhay xilli ciyaareedkii hore”.
“Shaki la’aan xiddigo weerarka ka ciyaara iyo daafac dhexe”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here