Rio Ferdinand ayaa aaminsan in lix ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ay gali karaan shaxda Man City marka la eego qaab ciyaareedka haatan ee Man City.

Red Devils ayaa ku riyaaqday qaab ciyaareed fiican waxana ay ku jirana kaalinta 4-aad ee kal saraynta horyaalka premier League ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Manchester.

United ayaa badisay 20 ka mid ah 27-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hoos ciyaareen Erik ten Hag, Ferdinand ayaa sheegay in Farqiga u dhaxeysa kooxaha xafiiltama ee reer Manchester ay soo yaraatay.

Intii uu macalinka u ahaa Pep Guardiola, Manchester City ayaa ku guuleysatay afar horyaal shanti sano ee ugu dambeysay, waxaana ay 6-3 ku garaacday Man United bilowgii xilli ciyaareedka.

Laakiin kulanka maanta sabtida ayaa la filayaa in uu noqdo mid isku dhaw iyada oo Man United hal dhibic u jirsan doonta City hadii ay ku garaacdo old Trafford.

“Marcus Rashford waxa uu gali karaa shaxda City”Ferdinand ayaa yiri markii la weydiiyay fikirkiisa ku saabsan shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

“Christian Eriksen iyo Bruno Fernandes sidoo kale way ka qayb ahaan karaan shaxda”.

“Casemiro waa mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ugu fiican horyaalka, kan kalena waa Rodri”.

“Lisandro Martinez iyo Raphael Varane ayaa sidoo kale way ka heli karaan City boos”.

“Farqiga u dhexeeya labada kooxood shaki la’aan wuu soo yaraanayaa Laakiin wali City ayaa ka horaysa United”.

“Laakiin xaqiiqda waxaad ku doodi kartaa afar ama shan ciyaartoy oo United ah in ay gali karaan shaxda Man City waana tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here