Halyeeyga xulka qaranka England ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in uu xulka England ugu cad-cadyahay ku guulaysiga koobka adduunka Qatar 2022 isla markaas jiro hal xul oo ka hor istaagi kara arintaas.

Xulka England ayaa ka hor tagaya xulka France kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka koobka adduunka ka socda dalka Qatar.

Rio Ferdinand oo la hadlaya wargayska Metro ayaa yidhi”kama Baqayo ka hor taga France, waxa aan aaminsanahay in aan dhaafi Karno France kulankan”.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan daawaday ciyaartii France ay la ciyaareen Poland, waxa ay ka mid yihiin xulalka ugu cad-cad laakiin kama baqanayo marka laga reebo Kylian Mbappe”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Xulka qaranka France waxba ima tusin, waxay aad ugu tiirsan yihiin hal xidig waana Mbappe sidaas darteed xulka France wax dhib ah ma wajihi doono kulanka France”.

Waxana uu carabka ku adkeeyay, “England waa xulka ugu fiican Koobka Adduunka, waana ku guuleysan karnaa tartanka, mana ka baqayo xul kale marka laga reebo sababta oo ah Brazil waxa ay haystaan xiddigo cajiib ah”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here