Robbie Keane ayaa ku qiimeeyay kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Liverpool fursada ay Manchester City kula tartami karaan horyaalka Premier league xili ciyaareedka soo socda.
Inkasta oo ay Arsenal hogaaminaysay premier League inta badan ee xilli ciyaareedka Man City ayaa ugu dambayn ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.
Weeraryahankii hore ee Premier League Keane ayaa aaminsan in Manchester City ay noqon doonto kooxda ugu fiican taariikhda hadii ay saddex koob oo taariikhi ah ku guulaysato xilli ciyaareedkan.
Kooxda Pep Guardiola ayaa hal guul u jirta seddexleyda, waxaana ay wajihi doonaan kooxda Serie A ee Inter Milan finalka Champions League todobaadkan.
Inkastoo Keane uu amaanay Man City waxa uu sheegay in ay Arsenal iyo Liverpool kula tartami doonaan Man City horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.
Halyeeyga Republic of Ireland ayaa sidoo kale filayaa in Chelsea ay horumar samayn doonto xilli ciyaareedka dambe kana soo kabsan doonaan xilli ciyaareedkii xumaa.
Keane ayaa u sheegay Betway: “Aad bay u adag tahay in la sheego halka ay Man City ka aadi karto halkan sababta oo ah hadii aad ku guulaysato 3 koob, waxad is waydiinaysaa xiddigaha aad u baahantahay iyo kuwa ay tahay in aad iska dirto”.
“Haddii aad hesho dhowr ciyaaryahan, waan hubaa inay raadin doonaan inay la soo wareegaan ciyaartoyda qaar”.
“Xilli ciyaareedka dambe uma malaynayo in ay kaliya laba kooxood ku tartami doonaan horyaalka sidaas darteed waxan filayaa in ay Arsenal iyo Liverpool kula tartamaan Man City horyaalka premier League”.
“Chelsea sidoo kale way soo fiicnaan doontaa laakiin ma tartami doonto waxay u baahnaan doontaa 2 ilaa 3 sano”.

Related



Source link