Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka La Liga iyo Europa League xilli ciyaareedkan.

Lewandowski ayaa yiri”Waa inaan ka fikirnaa, dabcan, waa tartan adag, waa in aan wajahno tartan kasta sidii anaga oo aan haysan dookh kale”.

“Waxa aan haysanaa dookhyo badan, waxana aan hogaaminaynaa horyaalka La Liga”.

“Tartanka Europa league, waxa laga yaabaa in ay wakhti hore tahay in laga hadlo, sababta oo ah waa in aan marka hore dhaafno Man United”.

Wuxuuna intaa ku daray: “La Liga, waa inaad diirada saartaa kulan kasta hadii uu ka dhacayo Camo Nou ama ka dhacayo garoon kale, hadii aan kulan kasta guul gaadhno waxa aan ku dhawaan doonaa ku guulaysiga horyaalka dhamaadka xilli ciyaareedka”.

“Champions League, ma garanaynin sida saxda ah ee loo guuleysto ama loo ciyaaro si aan u guuleysano, laakiin horyaalka waxaan sameynay wax aad u wanaagsan,” Lewandowski ayaa yiri.

“Waxa aan haysanaa xiddigo da’yar ah khibrada aan helnay bilihii uu dambeeyay waxa ay noo nqoon doontaa mid muhiim ah xilli ciyaareedka soo socda iyo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here