Xiddigii hore ee Man United ee Robin van Persie ayaa ka hadlay wararka Man United la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga kooxda PSV ee Cody Gakpo kaas oo ay u doonayso badalka Cristiano Ronaldo.

Xiddigii hore ee Man United Robin van Persie ayaa Red Devils uga digay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Cody Gakpo si uu badal ugu noqdo xiddiga Cristiano Ronaldo.

Man United ayaa la filayaa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa xiddig weerar ka ciyaara si ay ugu buuxiso booska Cristiano Ronaldo kaas oo ka tagay kooxda.

Red Devils ayaa kansashay heshiiska Ronaldo kadib markii uu waraysi xasaasi ah bixiyay bishii hore kuna weeraray maamulka, xiddigaha iyo tababaraha kooxda.

Man United ayaa Cody Gakpo ayaa u calaamadsatay badalka Ronaldo laakiin Robin van Persie ayaa u sheegay kooxdiisii hore in uuna xiddiga PSV noqon karin badalka Ronaldo.

“Isaga (Gakpo) xaqiiqdii ma ahan weeraryahan toos ah, waxa uu ka ciyaari karaa No.10 ama garabka bidix iyo sidoo kale weeraryahanka beenta ah”Robin van Persie ayaa u sheegay BT Sport.

“Waxa uu ka ciyaari karaa 3-daas boos, waa mid xoogan, aad u dheereeya, wuuna daafi karaa daafac kasta”.

United ayaa lala xiriirinayay Gakpo in muddo ah. Red Devils ayaa haatan aad ugu baahan weeraryahan ka dib bixitaankii Ronaldo.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here