Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu Philippe Coutinho ku sii haysto kooxda xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatooday in uu samayn ku yeesho kooxda Barcelona tan ilaa markii uu lacagta badan kaga soo biiray Liverpool suuqii January 2018.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Bayern Munich oo uu amaah kula joogay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 11 gool iyo 9 caawin 37 kulan oo uu ciyaaray.

Coutinho ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu si joogto ah uga tagayo Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo dhawr ah oo ay hogaaminayso Arsenal.

Si kasta ha ahaatee wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu tababare Ronald Koeman taageere u yahay xididga kuna qanacsanyahay in uu ka soo saari doono qaab ciyaareed fiican.

Tababaraha ayaa la sheegayaa in uu Coutinho la kulmi doono maalmaha soo socda marka uu ku laabto Spain si uu ugu qanciyo qorshihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here