Wararka  Ciyaaraha Maanta: Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

laacibfm.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda PSV ee Cody Gakpo xilli ay kooxda reer Netherlands diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga (Sun).

Si kasta ha ahaatee kooxda PSV ayaa dalban doonta lacag dhan 50 milyan oo euro taas oo keeni karta in ay dareenkooda u jeediso xiddiga Ac Milan ee Rafael Leao (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay wax walba u samayso sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga Man City ee Erling Haaland (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Mohammed Kudus laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa doonaya in uu ku biiro premier League (Sun).

Kooxda Man United ayaa ku fashilantay in ay 2 sano ka hor kula saxiixato 3.6 milyan oo euro xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo (Sun).

Maamulka Arsenal ayaa tababare Mikel Arteta Siin doonta lacag 50 milyan ah oo uu ku xoojiyo kooxda (Football Insider).

Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaan qorshaynayn in ay la soo saxiixato weeraryahan ay ku badasho Gabriel Jesus (Football Insider).

Gabriel Jesus ayaa mari doono qaliin kadib dhaawacii jilibka ka soo gaadhay kulankii Cameroon ee koobka adduunka (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furi doonta xiddiga Cristiano Ronaldo si ay qaab xor ah ugu helaan suuqa January (Rudy Galetti).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Hector Bellerin ayaa ku dhaw in uu qaab amaah ah ugu biiro kooxda Barcelona (Calciomercato).

Shirkado qatar iyo Saudi Arabia ka socda ayaa dalab Rasmi ah oo 3.2 milayn ah ka gudbiyay si ay u iibsadaan Liverpool (Sporting News).

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay heshiis la gaadho xiddiga Youri Tielemans kaas oo ay u doonayso badalka Sergio Busquets (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic hadii ay Real Madrid u dhaqaaqdo saxiixa Darwin Nunez (Calciomercatoweb).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt (sportsmole).



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here