Globe Soccer Awards ayaa shaacisay Liiska xiddigaha u tartamu doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee sanadka 2020 ee lagu bixiyo sanad kasta dalka Imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada Dubia.

Abaalmarinta Globe Soccer Awards ayaa la bixin doonaa 27 bisha December iyada oo lagu bixin doono si aan horay loo arag sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 2019.

Waxa sanadkan ku tartami doona abaalmarinta 8 xiddig oo ka mid ah xiddigihii qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay sanadkan dhamaadka ku dhaw.


Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha U Tartamaya abaalmarinta sanadka 2020:

  1. Cristiano Ronaldo (Juventus)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Robert Lewandowski (Bayern Munich)
  4. Serge Gnabry (Bayern Munich)
  5. Sadio Mane (Liverpool)
  6. Karim Benzema (Real Madrid)
  7. Ciro Immobile (Lazio)
  8. Marquinhos (PSG)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here