Wararka  Ciyaaraha Maanta: Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

laacibfm.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan (Mirror).

Tababaraha kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in ay Man United dhaqan galiso heshiiska halka sano ee dookha ah ee ku jira heshiiska Marcus Rashford si ay u sii haystaan xiddiga (Metro).

Sidoo kale Man United ayaa dhaqan galinaysa dookha ku jira heshiiskiisa Man United si uu u sii joogo kooxda (Metro).

Xidhiidhka kubada cagta Brazil ayaa wadahadalo la furay tababarayaasha Pep Guardiola iyo Carlo Anceotti si ay uga dhigaan tababaraha cusub ee xulka (Sport).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Mason Mount (CalcioMercato).

Tababaraha Real Madrid ee  Carlo Anceotti ayaa diyaar u ah in uu noqdo tababaraha xulka qaranka Brazil kana tago Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan (Sport).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Napoli ee Hirving Lozano si ay ugu xoojiso kooxda suuqa January (Mirror).

Wakiilka xiddiga Joao Felix ayaa haatanba wadahadalo la qaatay kooxaha Man United, chelsea iyo Newcastle xilli uu xiddigu koox cusub raadinayo (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix si ay ugu buuxiso booska Gabriel Jesus (AS).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ferran Torres (Fichajes).

Real Madrid ayaa iska diiday fursad ay ku heli lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Ilkay Gundogan (Defensa Central).

Xiddiga kooxda Ajax ee Mohamed Kudus ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu boxo suuqa January xilli ay Liverpool diyaarinayso dalab Rasmi ah (David Ornstein).

Kooxda Real Madrid ayaa iska diiday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante (Defensa Central).

Kooxda Benfica ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 120 milyan ah (Manchester Evening News).

Kooxo dhawr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diideen saxiixa xiddiga xulka portugal ee Cristiano Ronaldo (The Sun).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba heshiis la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez (Anfield Watch).



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here