Roy Keane ayaa ku taageeray Manchester United in ay Man City kula tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe isaga oo meesha ka saaray Arsenal, Liverpool iyo Chelsea.
Inkasta oo ay Arsenal hogaanka ku haysay 248 maalmood, Man City ayaa ku garaacday horyaalka kuna guulaystay xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ugu dambeyntii horyaalka ku qaaday 5 dhibcood iyada oo ka horaysay kooxda Arsenal oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee kala saraynta.
Man United ayaa dhinaceeda kale soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay ku guulaystay koob halka ay iska xaadirisay Final-ka FA Cup-ka mar horena ku guulaystay League cup-ka sidoo kale kaalinta 3-aad kaga dhamaystay horyaalka.
Halyeyga Old Trafford Keane ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisii ​​hore ay heer kale gaari karto xilli ciyaareedka soo socda oo ay xitaa Manchester City kula tartami karto horyaalka Premier League.
Keane oo la weydiiyay cidda uu u arko Man City kula tartami karta horyaalka ayuu u sheegay Sky Sport”Waxa aan odhanayaa Man United”.
“‘Waxaan rajeynayaa inay Man United noqoto, Waxay ku xirnaan doontaa dabcan la wareegida iyo suuqa kala iibsiga sababtoo ah waxay u baahan yihiin weeraryahan heer caalami ah”.

Related



Source link