RVP Oo Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Arsenal La Barbardhigay Giggs, Bergkamp Iyo Scholes Kadib Bandhigiisii Kulankii Olympiacos.

Advertisements

Weeraryahankii hore xulka Holland Robin van Persie ayaa ka dhawaajiyay in da’yarka Arsenal usoo baxay ee Bukayo Saka uu xasuusiyay Ryan Giggs, Dennis Bergkamp iyo Paul Scholes kadib markii uu bandhig cajiib leh muujiuyay kulankii Olympiacos ee ka tirsanaa tartanka Europa League.

Saka ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedyo aan caadi aheyn intii lagu jiray fasalkaan, wuxuuna atoore ka ahaa guushii ay kooxdiisa ka gaartay Olympiacos kulanka lugta hore wareega 32-aad ee koobka Europa League.

18-jirkaan heerka caalami ayaa caawiyay goolka uu dhaliyay Alexandre Lacazette ee yimid daqiiqadii 81-aad, wuxuuna tartiib u gaarsiiyay kubad joog sare aheyd oo aad loogu riyaaqay.

Waxey aheyd caawintiisii 9-aad ee dhamaan tartamada oo dhan fasalkaan, waxeyna dhalisay in RVP uu la barbardhigo xiddigaan xiddigo waaweyn oo soo maray horyaalka Ingiriiska iyadoo kaliya la qiimeynayo caawintii uu sameeyay.

“Ryan Giggs wuxuu bixin jiray baasaskaas oo kale, si la mid ah Dennis Bergkamp iyo Paul Scholes” ayuu yiri xiddigii hore qaranka Dutch oo kasoo muuqday TV-ga BT Sport.

Advertisements

“Tani waa sida adigoo weeraryahanka ku amray inuu meel qatar ah istaago, caqli ahaan waa mid heer caalami ah, aadna u wanaagsan”

“Ma ahan wax fudud, waa wax aad u fiican oo heer caalami ah, si fudud ayuu u sameeyay balse baaska nuucaas ah sidaan horay u sheegay xiddigaha waaweyn ayaa sameyn kara”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII