SAADAAL YaabLe: Sidee Ayuu Ahaan Lahaa Miiska Kala-sarraynta Premier League Haddii Ay Joogi Lahaayeen Tababareyaashii Toban Sannadood Ka Hor?

Advertisements

Toban sannadood ka hor horyaalka Premier League waxa uu aad uga duwanaa sida uu hadda yahay, waxaana joogay macalimiin ruug caddaa ah oo sannado badan kusoo jiray ciyaaraha, ahaana kuwa  ugu mudan dunida khibrad ahaan iyo tayo ahaanba.

Macallimiintan waxa hormood u ahaa Sir Alex Ferguson oo ahaa shaqsiga sababta u ahaa Manchester United inay noqoto koox weyn, Arsene Wenger oo dunida baray Arsenal iyo tababareyaal kale  oo heerar kala duwan ka taagnaa qiimaynta kubadda cagta.

Haddaba, sidee ayuu noqon lahaa miiska kala sarraynta kooxaha horyaalka Premier League, haddii ay koox walba waqtigan joogi lahaa macallinkii toban sannadood ka hor gadh-wadeenka ka ahaa?

HITC Sports ayaa saadaal ay ka samaysay horyaalka Premier League iyo tababareyaashii joogay sannadihii 2009, barbar-dhig ku samaysay kuwa waqtigan, waxaana bartooda Youtube ay kusoo bandhigeen halka ay horyaalka kaga jiri lahayd koox walba xili ciyaareedkan, haddii uu tababarahoodii waqtigaasi joogi lahaa.

Dabcan, kooxaha Manchester City iyo Liverpool, xilligaas may haysanin Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp oo lagu tilmaamo kuwa dunida ugu fiican waqtigan, waxaase xusid mudan in Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ay haysteen macallimiin wanaagsan oo tayo sare lahaa.

Halkan kaga bogo sida ay HITC Sports ku saadaalisay miiska kala sarraynta kooxaha oo tababareyaashii 2009 ay joogi lahaayeen:

20. Norwich – Paul Lambert

19. Burnley – Owen Coyle

18. West Ham –  Gianfranco Zola

17. Sheffield United –  Kevin Blackwell

16. Brighton & Hove Albion – Poyet

15. Watford – Malky Mackay

14. Crystal Palace – Neil Warnock

13. Southampton – Ralph Hasenhüttl.

12. Aston Villa – Martin O’Neill

11. Leicester City – Nigel Pearson

10.  Wolverhampton Wanderers – Mick McCarthy

9. Eerton – David Moyes

8. Newcastle United – Chris Hughton

7. Manchester United – Sir Alex Ferguson

6. Arsenal – Arsene Wenger

5. Tottenham – Harry Redknapp

4. Bournemouth – Howe

3. Manchester City – Mark Hughes

Advertisements

2. Chelsea – Carlo Ancelotti

1. Liverpool – Rafael Benitez

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII