Tartanka Champions League ayaa xilli ciyaareedkan leh xiiso gaar ah marka loo eego in uu yahay mid si isku dhaw loo ciyaarayo oo todobaad kasta la ciyaaray.

Waxa ilaa haatan la ciyaaray 3 kulan oo ka mid ah wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo ay ilaa haatan lama filaano ka soo bexeen.

Kooxaha qaar ayaan wali wax guuldaro ah la kulmin halka ay kooxo qaar raadinayan guushoodii ugu horaysay ee wareega Group-yada tartanka xilli ciyaareedkan.

Hadaba haatan lagu jiro fasaxa xulalka oo ayna jirin kooxo ciyaaraya waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saadaalinta ay shabakada Oh My Goal ka samaysay champions League.

Shabakada ayaa saadaalisay kooxaha u gudbi doona wareega 16-ka ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Gogo Saadalinta labada koox ee Group walba ka soo bixi doona:


Group A: Bayern Munich, Atletico Madrid.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku soo bixi doonta kaalinta 1-aad ee Group-ka iyada oo ay raaci doonto kooxda Atletico Madrid.


Group B: Real Madrid, Borussia Mönchengladbach.

Real Madrid ayaa u baahan soo laabasho cajiib ah laakiin Zidane ayaa horay u sameeyay mucjiso waxana la in uu mar kale sameeyo waxana uu waayi doonaa shaqadiisa hadii uuna samayn.


Group C: Man City, Porto:

Kooxda Man City oo 3 guul ka gaadhay ilaa haatan wareega Group-yada ayaa ku dhamaysan doonta kaalinta 1-aad waxana raaci doonta kooxda Fc Porto.


Group D: Liverpool, Atalanta

Inkasta oo ay ku dhibaatoonayaan dhibaato dhaawac oo dhanka daafaca ah Hadana waxa loo saadaaliyay in ay Liverpool gudbi doonto iyada oo ay raaci doonto kooxda Atalanta.


Group E: Chelsea, Seviila:

Group-ka ayaa dhankiisa loo saadaaliyay kooxaha Chelsea iyo Sevilla marka la eego in ay yihiin labada kooxood ee ugu adag ee ku jira.


Group F: Borussia Dortmund, Lazio:

Kooxda Dortmund ayaa loo saadaaliyay in ay ku soo bixi doonto kaalinta 1-aad iyada oo ay raaci doonto kooxda Lazio.


Group G: Barcelona, Juventus:

Waa Group ay iska cadahay cida gudbi doonta waana labada kooxood ee Barcelona iyo Juventus marka loo eego in ay Barcelona wada badisay 3-dii kulan ee ay ciyaartay sidoo kale Juventus ka awood badantahay labada koox ee kale.


Group E: PSG, RB Leizig:

Waa lama filaanka ugu weyn ee saadaashan, inkasta oo ay United haatan Hogaaminayso Group-ka hadana waxa loo saadaaliyay in ay ka hadhi doonto tartanka iyada oo PSG iyo RB Leipzig u gudbin doonaan wareega Xiga.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here