SAADAASHA Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada 32aad Ee Premier League – Muxuu Ka Yidhi Man City vs Liverpool

Khabiirka kubadda cagta ee Mark Lawrenson ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada usbuuc dhamaadkan ee Premier League, iyadoo ay dhici doonaan kulamo waaweyn oo saamayn ku yeelanaya boosaska saddexaad, afraad, shanaad illaa lixaad iyo salka hoose ee naadiyada ka degaya horyaalka.

Manchester City ayaa qaabilaysa Liverpool oo kusii guuleysatay horyaalka Premier League, waxaana kulankan ka hor saf sharafeed ay City u samayn doontaa ciyaartoyda Reds marka ay garoonka Etihad Stadium soo gelayaan.

Kulankan oo ka sokow in la isku geeyo bandhigga labada kooxood, saf sharafeedka iyo qaabka ay u ciyaarayaan, aan lahayn saamayn dhinaca miiska kala sarraynta ah, waxa uu Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson uu ku saadaaliyey inay noqon doonto ciyaar aanay labada kooxoodna midna khasaare soo gaadhi doonin.

Khabiirku waxa uu saadaashiisa ku sheegay in barbarro 2-2 ah ay Etihad dhibcaha ku qaybsan doonaan Man City iyo Liverpool.

Manchester United oo caawa u tegaysa Brighton ayuu Mark Lawrenson u sheegay inay kaalinta afraad kusoo dhowaan doonto, illaa inta ay Chelsea ka ciyaarayso Arbacada oo ay mar kale afar dhibcood tegi doonto.

Man United waxay 3-1 kusoo garaaci doontaa Brighton, halka Chelsea oo iyaduna marti u ah West Ham ay lasoo laaban doonto saddex dhibcood oo ay ku heli doonto guul 1-0 ah, sida uu khabiirku saadaaliyey.

Leicester City ayaa ka bixi doonta booska kaalinta saddexaad, waxaanay u dhaadhici doontaa afraad oo ay saddex dhibcood kaga hayn doonto Manchester United, waxaanay barbarro 1-1 ah la geli doontaa Everton, sida saadaashu muujisay.

Arsenal iyo Tottenham ayaa iyaguna guulo ka heli doona kulamadooda usbuucan.

Saadaasha Mark Lawrenson oo dhamaystiran:

Salaasada

Brighton 0-2 Manchester United

Arbacada

Arsenal 2-0 Norwich

Bournemouth 0-0 Newcastle

Everton 1-1 Leicester

West Ham 0-1 Chelsea

Khamiista

Sheffield United 0-2 Tottenham

Manchester City 2-2 Liverpool.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII