Saadaasha Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas Ee Kulamada Isbuuca 26aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Chelsea vs Man United?

Advertisements

Todobaadka soo socda  waxaa la ciyaarayaa lix kulan oo ka mid ah kulamada wareega 26aad ee horyaalka Premier League iyadoo habeenka Isniinta uu kulan weyn dhexmari doono kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo tartan adag ugu jira booska kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka.

12ka kooxood ee dheelaya isbuuca soo socda waxay ka soo laabteen fasaxii waqtiga qaboobaha oo kooxaha Premier League ay markii ugu horeysay sameynayaan.

Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulamada wareega 26aad, isagoo kulanka adag ee habeenka Isniinta ku saadaaliyay in Chelsea ay 2-1 ku garaaci doonto Manchester United oo ay sii xajisan doonto booskeeda kaalinta afaraad.

Sabtida waxaa ciyaareysa kooxda horyaalka ku hogaamineysa 22ka dhibcood ee Liverpool kuwaasoo marti u noqonaya kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Norwich City.

Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in Liverpool ay 2-1 ku xaaqi doonto kooxda Norwich City.

Maalinta Axada Arsenal waxay soo dhaweyn doontaa Newcastle United iyadoo xiddigoodii hore Charlie Nicholas uu saadaaliyay in Gunners ay 3-1 ku garaaci doonto Newcastle.

Saadaasha Charlie Nicholas

Jimce

Wolves 3-2 Leicester City

Sabti

Southampton 1-0 Burnley

Norwich 1-4 Liverpool

Axad

Aston Villa 2-3 Tottenham

Arsenal 3-1 Newcastle United

Advertisements

Isniin

Chelsea 2-1 Manchester United

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII