Sababta uu xiddiga Mason Mount u doortay in uu ku biiro Man United isagana diiday Arsenal iyo Liverpool ayaa ah in uu xiddigu aaminsanyahay in qaab ciyaareedka Erik Ten Hag siinayo fursada ugu fiican ee uu la qabsan karo.
Kooxda Man United ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga Mount iyada oo xiddigu go’aansaday in uu isaga tago kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sidoo kale kooxaha Arenal iyo Liverpool ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadkooda dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay Man United iskana diiday kooxaha kale ee premier League isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay The Independent, Mount ayaa aaminsan in uu ku soo bixi karo shaxda Erik Ten Hag marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale ee Arsenal iyo Man United.
Sidaas darteed xiddiga reer England ayaa aad u doonaya in uu ku biiro Man United suuqa xagaaga halkii uu ku biiri lahaa kooxaah Arsenal iyo Liverpool.
Related