Sadio Mane Oo Bilaabay Filim Noloshiisa Ku Saabsan Iyo Shaqsiyaadka Magaca Leh Ee Qaybta Ka Ah.

Advertisements

Xidiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa bilaabay in uu soo saaro filim noloshiisa iyo waayihiisa ciyaareed ku saabsan kaas oo loogu magac daray ‘Made in Senegal’ oo ah wadankiisa uu noloshiisa iyo waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay.

Sadio Mane waxaa muuqaalka filimka waayihiisa iyo noloshiisa ku saabsan ka caawinaysa shirkada Rakuten waxaana haddaba la shaaciyay hordhaca filimkan iyada oo si buuxda looga baahan doono Rakuten TV.

Inta badan waxaa filimka Sadio Mane diirada lagu saari doonaa noloshii uu soo maray, samirkiisa kubbada cagta, sida uu uga midho dhaliyay riyadiisii iyo waliba hawlaha samafal iyo deeqsinimada uu ku caawiyo dalkiisa Senegal iyo gaar ahaan magaalada uu ka soo jeedo.

Dadka muuqaalka filimka Sadio Mane ee ‘Made in Senegal’ ka soo muuqan doona waxaa ka mid ah macalinkiisa Jurgen Klopp iyo saaxiibkiisa Liverpool ee Mohamed Salah.

Sadio Mane oo ka hadlaya filimkiisa ayaa soo qaatay sida uu tusaale ugu yahay dadka doonaya in ay riyadooda ka rumeeyaan wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan doonayay in aan dadka tusiyo in aad gaadhi karto wax walba oo aduunka ah haddii aad diyaar u tahay in aad ku dul dhisto riyadaada oo aad si adag u shaqayso. Aniga waxaa la igu sameeyay Senegal”.

Agaasimaha Yurub ee shirkada Rakuten TV oo magaciisa la yidhaa Teresa Lopez ayaa isna ku dhawaaqay in ay baahin doonaan muuqaalka filimka Saido Mane ee wuxuuna yidhi: “Rakuten TV waxa uu ku faraxsan yahay in aanu soo bandhigno filimkan dhokumenteriga ah ee cusub, maadaama oo aanu dhisayno istaratijiyada si aanu u baahino waxaabo  rasmi ah oo bilaash ah”.

“Sportsku waa qaab fantastik u ah dadka in ay dhamaantood aduunka ku xidhmaan isla markaana ‘Made in Senegal’ waxa uu leeyahay awoodan qoraal ee wayn kaas oo aan filayo in ay daawadayaashu jeclaysan doonaan in ay daawadaan”. ayuu agaasimaha Rakuten TV hadalkiisa raaciyay.

Agaasimaha Rakuten TV ee Teresa Lopez ayaa sharaxay sababta ay markiiba u qaateen filimka Sadio Mane wuxuuna yidhi: “Filimkani aragtidii ugu horaysay ayuu nagu soo jiitay ee sheegida rumaysnaanta naftaada iyo ka go’naanshaha in aad riyooyinkaaga gaadho kaas oo dhamaan ah qiimaha muhiimka ah ee Rakuten”.

Advertisements

Jamaahiirta kooxda Liverpool, kuwa xulka qaranka Senegal iyo guud ahaan kuwa kubbada cagta aduunka ayaa sugaya in ay daawadaan muuqaalka filimka Sadio Mane ee “Made in Senegal” kaas oo la filayo in uu noqon doono mid soo jiidasho layaableh yeelan doona marka loo tixgaliyo heerkii uu Mane soo maray.

Waxaa dad badan oo aduunka ah xiiso galinaya noloshii uu Sadio Mane soo maray, qaabkii uu riyadiisa u rumeeyay ilaa min samafalkiisa masaajiadada iyo waxtarka uu sameeyay waxaana sidoo kale aan meesha ka maqnaan doonin sida aanu u ahayn qof isla wayn ee uu u yahay shaqsi is dhul dhig badan oo ayna lacagtu waalin.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII