Musharaxa Madaxweyne ee kooxda Barcelona ee Jordi Farre ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba wadahadalo la qaatay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp si uu u noqdo tababaraha Barcelona hadii uu ku guulasto xilka.

Jordi Farre oo u tartamaya madaxtinimada kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in uu Klopp u doonayo in uu noqdo tababaraha kooxda hadii uu ku guulaysto xilka.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda Barcelona hadii uu Jurgen Klopp noqdo tababaraha cusub ee kooxda hadii uu Jordi Farre noqdo madaxweynaha kooxda.

Shaxda ayay ku jiraan 4 xiddig oo aan haatan u ciyaarin kuwaas oo uu Klopp la wareegi karo hadii uu noqdo tababaraha Barcelona.

3 ka mid ah xiddigahaas ayaa haatan Jurgen Klopp kaga hoos ciyaara kooxda Liverpool waana xiddigaha Salah, Van Dijk iyo Robertson halka uu xiddiga xiddiga Thiago oo haatan ku dhaw Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here